Kismaayo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay doorashada kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, kaas oo uu ka Geeriyooday Wasiir hore Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Waxaana ku tartamay doorashadaasi, illaa 2 Musharrax oo kala ahaa Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji iyo Fardowso Xasan Maxamed.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” guddoomiyahna guddiga doorshooyinka Qaranka oo ku dhawaaqday natiijada doorashadaasi ayaa sheegtay in uu ku guuleystay Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji oo helay 50 Cod, halka Fardowso Xasan Maxamed aysan helin wax Cod ah.

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji ayaa u mahadceliyay dhammaan Ergadii dooratay.

Waxaana uu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay sida ay u dhaday doorashadaasi.

Kursigan ayaa waxaa horay uga Geeriyooday Wasiirkii howlaha guud Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Waxaana hadda ku guuleystay Walaalkiiis Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji oo sidaasi uga mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.