Dr Saleebaan Maxamed Maxamuud xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa farriin u diray madaxda maamulka goboleedyada dalka.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in la’iska wada kaashado horumarinta hay’adaha garsoorka iyo cadaaladda.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in madaxda maamul goboleedyada ay kala shaqeeyaan sidii xarumaha garsoorka dowladda federaalka looga hirgeli lahaa deegaanada maamulladaasi.

Hadalkan ayaa Dr. Saleebaan waxa uu ka sheegay xarun garsoor oo uu ka dhagax-dhigay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isaga oo ballan qaaday in xarumo kale ay ku yeelan doonaan caasimadaaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.