Wasiirka Wafaafinta maamulka Somaliland, Mudane Saleebaan Cali Koore ayaa maanta shaaciyey in laga helay cudurka faafa ee Coronavirus, kadib baaris lagu sameeyey.

Koore oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in markii hore uu isku arkay madax xanuun, qandho fara badan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baaritaan, sidaasina looga helay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu is Karantiilay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay bulshada inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafista cudurka.

Coronavirus ayaa markale ku soo laba kacleeyey deegaanada Somaliland, iyadoona xuukuumadda Hargeysa ay waddo dadaalo looga hortago sii fidista cudurkaasi.