Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Abuukar ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Cabdirisaaq Maxamed Abuukar ayaa bedalay, Axmed Ciise Cawad oo dhowaan lagu sameeyey xilka qaadis, kadib wareegto uu soo saaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.