Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay Allaha u naxariistee  Nuur Xaashi Warsame oo ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Marxuumka oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo hubeysan oo goobta ka baxsaday

Sidoo kale waxaa meesha uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha iyo waraabka maamulka HirShabelle, Marxuum Cabduqaadir Abuukar Karaani.