Waraka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca bambada ee gacanta laga tuuro ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo howlgallo ka waday waqooyiga magaaladaasi.

Ugu yaraan hal qof oo rayid ahaa ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamadii howlgalka waday, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay laamaha ammaanku ka bixiyeen weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.