Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray wafdi uu horkacayo egeyga gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia James Swan.
Wararka ayaa sheegaya in Swan uu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdcasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen).
Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa.
Madaxweynaha K/ Galbeed ayaa dhawaan ku laabtay Baydhabo kaddib kulamo uu madaxda dowladda kula yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana jiray warar soo baxaya oo sheegaya madaxweyne Lafta-gareen uu bilaabayo doorashada Aqalka Sare.
Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday in la guda-galiyo hirgelinta doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-