Roma (Sh. M. Network)-Booliska Dalka Talyaanig ayaa sheegay in xabsiga ay dhigeen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo si Qaxooti ahaan ah ku galay Dalkaasi Talyaaniga.

Muwaadinkaan ayey booliska Talyaaniga sheegeen in lagu magacaabo Maxamed Faarax oo 24 jir, waxa ayna ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa Burcadbadeed Soomaaliyeed, kuwaas oo afduub u geystay Markab siday Saliid Sanadkii 2011, kaasi oo xilligaa marayay Biyaha Soomaaliya.

Markabka lagu eedeenayo Maxamed Faarax in uu qayb ka ahaa Dadkii afduubtay ayey Talyaanigu sheegeen in lagu sii daayay Madax Furasho dhan $11 Million oo doller  ka Maraykanka ah.

Booliska Italy ayaa tilmaamay in xilliga la qabanayay Muwaadinkan uu qayb ka ahaa Tiro Muhaajiriin ah oo Dalkaasi galay, kuwaas oo Laanta Qaxootiga ee Talyaaniga ka dalbanayay daganaaasho in la siiyo.

Maxamed ayaa daganaaashaha Dalkaasi ka dalbaday Magaalo lagu Magacaabo Sicialia, waxaana isla markiiba la helay Macluumaad ku aadan in uu qayb ka ahaa 50 ruux oo lala xariirinayo afduubk Markab lagu magacaabo Savina Sayleyn, kaasi oo afduubkiisa uu dhacay 8 bishii February ee Sanadkii 2011 waxaa sidaa lagu yiri War Qoraal ah oo ka soo baxay booliska Talyaaniga.

Helidda macluumaadkan ayey la xariiriyeen in ay u fududeeysay baaritaan dhinaca faraha ah oo lagu sameeyay.

Booliska ayaa ugu danbeyn shaaciyay in Maxamed Faarax baaritaan dheeri ah la marsiin doono, kaasi oo ku aadan falka loo heysto ee la xariiro in uu ahaa BurcadBadeed.