Baydhabo (Sh. M. Network)-Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Awaamiir la xiriirta Ammaanka waxa uu dul dhigay shacabka ku nool Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga mamnuucay Mooto Bajaajta , iyadoona  la yareeyay dhaq dhaqaaqyadii kale ee shacabka.

Siyaasiga Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Saransoor ) oo shabelle uga warbixiyay arrintaan ayaa tibaaxay in ay tahay caqabad hor leh oo Maamulka Koofur Galbeed uu ku hayo Shacabka Magaalada Baydhabo.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in markii dhidibada loo aasayay Maamulka Koofur Galbeed Magaalada Baydhabo ay ahayd mid gebi ahaanba isku furan, islamarkaana dhaq dhaqaaqyada shacabku ahaayeen kuwa heerkoodu sarreeyo.

Dhinaca kale Aadan Saransoor ayaa xusay in Ammaanka Magaalada Baydhabo uu yahay mid la isku halleyn karo, islamarkaana aysan jirin wax dil ah oo ka dhacay muddooyinkii la soo dhaafay.

Siyaasiga Aadan Saransoor ayaa ka mid ah tiro siyaasiyiin Mucaarad ku ah Maamulkaasi Koofur Galbeed oo gaaray dhawaan Magaalada Baydhabo, isagoona kol hor ka dhawaajiyay in ay dadaal ugu jiraan sidii Isbedel loogu sameyn lahaa Maamulka Koofur Galbeed ee fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo.