Hargeysa (Sh. M. Network)- Afhayeenka Maamulka Soomaaliland Xuseen Aadan Cige ayaa sheegay in Sanaadiiqda Codbixinta ee doorashada Maamulka Soomaaliland la geyn doono deegaanno iyo degmooyin dhaca Gobollada Sool iyo Sanaag oo uu sheegay in ay hoos yimaadaan Maamulkaasi Soomaaliland.

Mr Xuseen Aadan Cige Afhayeenka Soomaaliland ayaa intaas ku daray in tallaabo ay ka qaadi doonaan cid kasta oo caqabad ku ah Doorashooyinka Madaxweyne ee Maamulka Soomaaliland.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Maamulka Puntland ay ku soo xad gudbeen deegaanno hoos yimaada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in deegaanada Sool iyo Sanaag ee ay Soomaaliland sanaadiiqda Cod bixinada geynayaan ay ka tirsan yihiin Maamulka Puntland sida uu yiri.

Maamullada Puntland iyo Soomaaliland ayaa isku haya deegaanno dhaca Gobollada Sool iyo Sanaag , kuwaas oo ay kala sheegtaan mid kasta in Maamulkiisa ay hoostagaan, xilli deegaanada Gobolladaas sidoo kale ay sheegtaan Maamulka Khaatumo.