Kulan ay isugu yimaadeen waxgarad, siyaasiyiin iyo culuma-u-diin oo lagu qabtay gudaha  Muqdisho ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa mid looga soo horjeeday xariga madaxa Astaan Cable, Cabdimanaan Yuusuf oo ku xiran magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayaa isla qiray in Cabdimanaan uu yahay nin ganacsade ah, balse waxyaabo been abuur ah lagu eedeynayo.

Sidoo kale waxay si kulul u cambaareeyen  xarigga madaxa Astaan, waxayna ay ku tilmaameen mid af-duub ah, islamarkaana baalmarsan sharciga.

Ugu dambeyn waxa ay baaq u direen madaxda maamulka Somaliland, iyaga oo ka dalbaday in dib loo siiyo xorriyaddiisa.

Madaxa Astaan Cable Cabdimanaan Yuusuf ayaa in ka badan muddo laba todobaad ah sabab aan la aqoon ugu xiran yahay  Somaliland.