Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirka wada-tashiga ee u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka ee ka qeyb-galaya doorashada soo socota 2020/21.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Gelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdulqaadir Cosoble, Xuseen Cabdi Xalane, Mustaf Dhuxulow & Maxamed Siiriin.

Intiisa badan waxaa hirkan looga hadlayaa doorashada 2020/21, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada doorashooyinka oo ay walaac ka muujinayaan musharraxiintu.

Sidoo kale waxaa la filayaa in gaba-gabada shirka laga soo saaro murtiyeed, sidoo kalena lagu dhiso gole ay ku mideysan yihiin dhammaan musharraxiinta mucaaradka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

33 11 22