Muqdisho ( Sh.M.Network)-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya Shir looga hadlayo maalinta Beni’aadanimada Adduunka.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan Masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, iyo kuwa matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soconaya Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galaya Shirkaas ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Beni’aadanimada.

Inta shirkaasi socdo ayaa waxaa la iskula soo qaadi doonaa doorka Soomaaliya ay ku leedahay dhanka Xuquuqul Insaanka.

Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada:-

Sawir Qaade:- Osman Yusuf.