Waxaa maalintii shanaad galay shirka musharraxiinta mucaaradka uga socdo magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa maanta ka qeyb-galay agaasimeyaasha warbaahinta madaxa-banaan ee ka howl-gala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Intiisa badan waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashada iyo sida loo wajahayo, maadaama ay warbaahintu tahay tan ugu horreysa ee u tabineyso bulshada kale.

Sidoo kale waxaa shirka la’isku weydaarsaday talooyin ku aadan doorashada iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Musharraxiinta ayaa horey ula kulamay ururada bulshada rayidka ah iyo culimada, iyada oo muhiimaddu ay aheyd inay qeyb ka noqdaan wada-tashiyada socda.

Shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo saacadaha soo socda, iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan doorashada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

127096651_3545427418884819_9009348032142943874_n 127182436_3545427042218190_1502817787514603211_n 127454840_3545426725551555_6301725787668814929_n 127471827_3545427715551456_5213815236909220738_n 127486126_3545427308884830_1929132254053952429_n 127533431_3545427532218141_5559350818227768092_n 127570658_3545426498884911_6862779426680384970_n 127591122_3545426805551547_6548203841322278054_n 127605763_3545427158884845_1018404597395943071_n 127886219_3545426422218252_5769063544873157172_n