Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo booqasho ugu yimid.

Ugu horreyn Lafta-Gareen ayaa warbixin ku saabsan amniga iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ka dhagaystay Taliyaha, wuxuuna tilmaamay Odowaa in Al-Shabaab howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay K/Galbeed lagu gaarsiiyey khasaare xoogan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya, inta laga adkaanayo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhankiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Taliyaha uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid waxaana sidoo kale uu bogaadiyey howlgalada ay wadaan Ciidanka Xoogga.

Ugu dambeyn wuxuu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka ga’an tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119220939_661348191168488_8678078021721836564_n 119183878_661348224501818_3410273355258031489_n