Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayey arimaha siyaasadeed ee ka jira dalka oo ugu horreyso doorashada soo socota.

Lafta Gareen iyo Waare ayaa Muqdisho u jooga shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo diirada lagu saarayo doorashada 2020/2021.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119452580_661979691105338_2367719449141957315_n 119567733_661979731105334_8408187984668812381_n 119706392_661979774438663_8652004031692229669_n 119451026_661979827771991_8821147222593031670_n