Muqdisho (Sh. M. Network)-Taliyaha Ciidamada Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Rex Dundun ayaa baaq u jeediyay Ciidamo Boolis ah oo dhawaan laga keenay Dalka Uganda.

Taliye Rex Dundun ayaa waxuu ka dalbaday Booliskan laga keenay Uganda in ay dhowraan sharuucda Boolis ee u dagan howlgalka AMISOM.

Taliyaha oo ka hadlayay dhamaadka tababar qaatay 8 maalmood oo la siinayay Booliska ayaa waxuu qeexay in muhiim ay tahay in Booliska ay taageeraan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in Booliska AMISOM looga baahan yahay in ay la socdaan in howlgalka AMISOM uu yahay mid lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidookale ugu baaqay Ciidamada cusub ee Booliska ah in ay ka fogaadaan dhibaato ay gaarsiiyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Booliska ee AMISOM ayaa waxuu ku soo beegmayaa, xilli Ciidamada howlgalka AMISOM lagu eedeeyo in dhibaatooyin kala duwan ka geystaan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.