Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in tashigii ugu dambeeyey ay ka yeesheen magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Shabelle u sheegay in saacadaha soo socda la filayo in lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in liiska golaha wasiiradu ay ka soo muuqan doonaan qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumaddii Xasan Khayre.

Todobaadkii la soo dhaafauy ayaa waxaa shirar isugu yimid Madaxweynaha,  Ra’iisul-wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo la isla meel dhigay tashi aahaan iyo magacaabista xukuumada Cusub.

Ra’iisul-wasaare Rooble ayaa haatan magacaaban ama xilka haya 29-cisho, waxaana 30-ka berri ee loogu talagalay magacaabista golaha wasiirada haatan ugu harsan hal maalin.