Faah faaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay nin da’ ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee  ku nool degmada Dayniile.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in marxuumka lagu magacaabi jiray, Xuseen Sheekh Muxumad oo ku magac dheeraa (Sandheere).

Kooxo ku hubeysanaa bistoolado ayaa la sheegay inay ku toogteen xaafadda Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xilliga la dilay Xuseen Sandheere uu Weysa-qaadanayey, islamarkaana uu ku sugnaa Garaash uu ku leeyahay degmadaasi.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meedha ay waxa ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.