Jilib (Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku soo waramaya in Saacadihii la soo dhaafay Duqeyn Khaasaro geysatay ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Diyaarado dagaal oo aan la ogeyn halka laga leeyayhay ayaa Duqeyn dhanka Cirka ah ka fuliyey deegaanka Buula Sheikh oo Qiyaastii 10 KM u jira Magaalada Jilib, waxaana ku dhintay 7 Qof sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

Waxaana ay sheegeen in Toddobadaasi Ruux ay ka soo jeedeen Hal Qoys, oo uu ku habsaday Gantaal ay soo tuureen sida la sheegay Diyaarado maanta Duqeeyay deegaanka Buula Sheikh ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ilaa iyo hada majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya ee ku aadan Duqeyntaasi.

Balse inta badan Diyaaradaha Dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa Duqeymo dhanka Cirka ah ka fuliya deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka, kuwaasi oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dadka Shacabka ee ku nool deegaanadaasi.