Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliya, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan hoggaanka Galmudug, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xafladda oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay, islamarkaana ka dhacday Royal Palace Hotel ayaa waxaa ka qeyb galay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha, dowladda, madax hore, waxgarad, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Inta badan mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyey munaasabadda ayaa ku boggaadiyey Qoor Qoor inuu isku soo taago xilkaasi iyaga oo qiray inuu yahay mas’uul ka soo bixi kara.

Sidoo kale waxa ay reer Galmudug ugu baaqeen inay garab istaagaan musharrax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor|) oo ay sheegeen inuu samata bixin karo Galmudug.

Ugu dambeyn musharrax Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay barnaamijkiisa wax qabad, haddii loo doorto xilka madaxweynaha Galmudug, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarka iyo danaha maamulkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

7-5 1 1-56 2-55 3-54 3-55 4-28 5-8 6-7