Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ahna madaxa howl-galka Unsom, James Swan oo kulankaasi ugu qeyb galayey aalada la’iska arko ee Zuum-ka ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda Soomaaliya.

Swan ayaa sheegay in xasaradaha siyaaseed ee ka taagan Soomaaliya ay halis ku tahay horumarka dhismaha qaranka iyo ammaanka guud ee dalka.

Wakiilka ayaa xusay in haddii dhinacyadda is haya ee Soomaalida aysan sameynin wada-hadal iyo isu tanaasulid iyadoo la fiirinayo danta dalka ay xaalada noqon doonto halis.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la raaco heshiiskii 17 September ay gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

“Hadalada dhinaca warbaahinta bulshada ay u adeegsanayaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa sii kordhinaysa carada iyo in ay sare u kacdo xiisada dhinacyadda is haya,” ayuu yiri ergeyga gaarka ah  ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa cadaadis xoogan saareysa dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda dalka, kadib markii uu fashilmay shirkii horraantii bishan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb oo la doonayey in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka.