New York ( Sh. M. Network )-Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay in xayiraadii ay ka qaadeen illaa iyo 11 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Wasiirka amniga ee dalkaasi Mareykanka ayaa sheegay in Muwaadiniinta 11 kani dal laga aqbali doono codsiyadooda ku aadan in ay yimadaan dalka Mareykanka.

Waxaana uu intaasi raaciyay  in ay adkeeyeen baaritaanada dadka magangalyo doonka ah, si ay uga saaraan dadka xagjirka ah iyo kuwa dambilayaasha ah.

Wasiirka ayaana tilmaamay in ay ku soo dareen qaabab cusub oo su’aalo dheeraad ah lagu weydiinayo Qoysaska iyo dadka ku dhow soo galootiga taas oo uu sheegay in ay uga gol leeyihiin xaqiijinta amniga dalka Mareykanka.

11-ka dal oo uu xayiraada ka qaaday Mareykanka ayaa kala ah:-Masar, Iran, Iraq, Somalia, Libya,  South Sudan, Sudan, Yemen, Mali, North Korea, iyo Syria .

Dalalkani ayaa Muwaadiniintooda horay looga mamnuucay in ay tagaan Mareykanka, kadib amar ka soo baxay Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.