Muqdisho (Sh. M. Network)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’antahay dowladda Soomaaliya  in dalka ay ka cirib tirto Cudurada saameynta ku leh Bulshada, gaar ahaan kuwa saameeya Ubadka iyo Hooyooyinka intaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula taliyay Hooyooyinka Soomaaliyeed in si sax ah ay u qaataan Dawooyinka iyaga iyo Caruurtooda, ayna dhaqan geliyaan Talooyinka dhaqaatiirta Caafimaadka, si dalka looga dabar gooyo Cudurada faafa ee ka jira Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigay Guulaha laga gaaray ka hortagga Cudurka Dabaysha, kaas oo horay saameyn ba’an ugu yeeshay Caruur badan oo Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysatay in gebi ahaan Soomaaliya laga waayo Kiisaska Cudurka Dabaysha.