Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta la filayaa inuu hortago Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa warbixin ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare, isaga oo ka hadli doono arrimaha Galmudug, xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirka Muqdisho.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sidoo kale Senatorada ku war-geliyey in kulanka maanta uu muhiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-galayo Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u tegay xarunta Golaha Aqalka Sare, iyaga oo ka jeediyey khudbado xasaasi ah oo ay uga hadleen xaaladda dalka.