Baraawe ( Sh. M. Network )-Wafdi oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan sheikh Aadan ayaa goor dhow ku wajahan magaalada Baraawe ee xarunta Maamukaasi.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex oo la hadlay Idaacadda Shabelle  ayaa ka warbixiyay socdaalka madaxweyne Shariif Xasan

Waxaana uu sheegay in u jeedadu ay tahay sidii uu ula wareegi lahaa qalab loogu tala galay dhismaha ee Garoonka magaalada Baraawe ee g/ Shabeelaha Hoose.

Guddoomiye Jeex ayaa xusay in shacabka iyo Maamulka degmaduba ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxweynaha, islamarkaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.