Dhuusamareeb (Sh M. Network)-Maxkamadda Darajada1aad ee ciidamada Qalabka Sida maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta waxaa ay Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysane oo horey loogu soo eedeeyay in ay la shaqeynayeen Xarakada Al Shabaab sida la sheegay.

Cabdiraxmaan Xaashi oo ahaa eedeysanaha ugu xukunka dheeraa ayaa waxaa lagu xakumay Xabsi Daa’in, Iyadoo 3 kale lagu kala xakumay 2 Sano iyo 5 Sano sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Ciidamada maamulka Gobollada Dhex Cabdinuur Maxamed Xuseen.

Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlsunna ayaa horay Xukunno uga faliyay deegaanada ay ka arrimiyaan, kadib markii ay Maxkamad soo taageen eedeysanayaal dhowr ah, kuwaasi oo danbiyo kala duwan lagu eedeeyay sida in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Al Shabaab