Maanta oo ah maalinta labaad ee ciidul Adxaa waxaa si weyn looga ciidayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka,waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo ciidda.

Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Garowe, Dhuusamareeb iyo Garbahaarey  ayaa saaka si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobaha leyskugu yimaado sidda xeebta Liido, Xeebta Jasiira, Daljirka Dahsoon, Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-Salaam waxaana dadku ay isugu marxabeynayaan maalinta labaad ee ciidda.

Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka uu kala xirxiranyahay oo cudurka Covid-19 uu dalka ka jiro balse waxaa soo yaraanaya tirada dadka cudurka laga helayo ee dalka jooga, sida ka muuqato warbixin maalmeedka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.