Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee uu ku hakiyay kulankii maanta ee Baarlamaanka, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in tallaabadan ay timid, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu kulan gaar ah la qaatay guddoonka Golaha Shacabka.

Waxaana uu intaasi ku daray in wadahadal lagu dhameyn doono khilaafka hareeyay BFS, kaas oo ka dhashaY Mooshinkii laga gubiyay guddoomiye Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.