Muqdisho ( Sh. M. Network)-Maamulka Jaamacadda Jobkey ayaa qaar ka mid ah Saxafiiyinta ka howlgala Magaalada Muqdisho u qabtay Tababar Aqoon kororsi ah , kaasi oo socday mudo 2 Maalin ah, waxaana ka faa’iideystay ku dhaawaad 60 Saxafi.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey Cabdicasiis Caagane Xaaji Cabdidsamad oo soo xiray Siminaarka ayaa sheegay in ay u qabteen 50 Saxafi oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal ka howlgala qeybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Waxaana uu sheegay in u jeedadu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa Tayada Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in Cashiro muhiim ah ay qaateen Wariyayaashii ka qeyb galay Siminaarkaasi.

Sidookale guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey Cabdicasiis Caagane Xaaji Cabdidsamad ayaa u soo Bandhigay Saxafiyiinta Minxa Wabarasho, taasi oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan Wariyayaasha Soomaaliyeed

Waxaana uu ballan qaaday Minxa Waxbarasho oo la siinayo Tiro 50 Saxafi ah, si sare loogu qaado Aqoonta iyo Tayada Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Jaamacadda Jobkey oo ka mid ah Jaamacadaha ugu fir fircoon xaga Waxbarashada ee ku yaala Dalka ayaa dhawaan sidookale waxa ay Tababar siisay ku dhawaad 300 oo ka mid ah Macalimiinta ka howlgala Iskuulada Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay si weyn uga faa’iideysteen Macalimiintii ka qeyb galay Siminaarkaasi.