Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiyihii Spor-tiga degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dilay degmadaasi.

Sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka degmada Xamar Jajab Cali Cabdiqaadir Faarax ,Askari ka tirsan Ciidamada doladda ayaa qof shacab ah u dhiibay qorigiisa  kaas oo ay  Rasaas uga fakatay guddoomiyihii Sport-ga Xamar Jajab Xabiib Maxamed Saciid  ( Baaldi).

Allaha u Naxariistee Xabiib Maxamed Saciid ( Baaldi )Guddoomiyihii Sport-ga degmada Xamar Jajab ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Rasaastaasi.

Waxaana la sheegay in dilkiisa loo qab qabtay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan kuwa Ammaanka degmada Xamar Jajab iyo weliba qofkii falka dilka geystay oo Magaciisa lagu soo koobay Jacfar.