Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo boqolaal shacab ah maanta Olole Nadaafadeed kala qeyb galayay goobtii qaraxii weynaa uu ka dhacay ee Isgoyka Zoobe ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin hantida ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in ay ka qeyb qaataan hormarka dalka.

Waxaana uu ka dalbaday guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amaanka ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay haddii ay si dhab ah shacabka u garab istaagan dowladda hormar laga gaari lahaa sugida amniga iyo hormarka dalka.

Waxaana uu Qofkasto oo Soomaali ah uu ugu baaqay in uu taageero dowladda, si looga gudbo marxaladaha haatan uu ku jiro dalka.

Hadalkan guddoomiye Taabid ayaa ku soo aadaya, xilli dhaawan Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-