Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa xasaanada looga qaaday illaa sideed mudane oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaasi.

Xubnaha laga xayuubiyey xildhibaanimada ayaa waxaa lagu eedeeyey falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka iyo anshaxa golaha wakiilada.

Sidoo kale intaasi kadib ayaa waxaa la qaaday cod gacan taag ah, waxaana u codeysay in kalsoonida lagala noqdo xildhibaanadaasi 35 mudane, saddex xildhibaan ayaa diiday, halka mid kale uu ka aamusay, sida uu ku dhowaaaqay guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa kala ah: Maxamuud Axmed Caalim, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Suleebaan Faraax Ciise, Cabdiqani Abshir Surato, Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre),Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye)  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Dhowaan ayey aheyd markii uu fashil & fowdo ku soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland, kaas oo gabi ahaan lagu kala kacay.