Jowhar (Sh. M. Network)- Xubnaha Golaha wasiirada maamulka Hirshabelle ayaa taageeray go’aankii xilka looga qaaday madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cadbullaahi Cosobe, kadib kulan deg deg ah oo ay maanta ku yeesheen Magaalada Jowhar.

Waxaa shir guddoomiyay kulankaas sii hayaha xilka madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen ( Guudlaawe ), iyadoo Golaha wasiiradu ay Aqbaleen go’aankii ay baarlamaanka xilka uga tuureen  madaxweynihii maamulkaasi.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooytada Hirshabelle Cali Cismaan Cosoble ( Wardhigley ) oo kulankaasi Warbaahinta uga warbixiyay ayaa sheegay in go’aanka ay gaareen xildhibaanadu uu yahay mid Dastuuri ah, islamarkaana Golaha wasiiradu ay Ayideen.

Waxaana Golaha wasiiradu soo saareen Qodobo ay ka mid ahaayeen :-

1 In ay Aqbaleen go’aankii xilka Qaadista ee madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble

2 In la sameeyo guddi Doorasho, si loo loo guda galo Doorashada madaxweynaha Hirshabelle

Ugu danbeyn Golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa soo jeediyay in la dadajiyo Doorashada madaxweynaha maamulkaasi, si looga gudbo Mowjadaha siyaasadeed ee ka dhex jira Maamulkaasi Hirshabelle.

Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada:-