Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG-ka ah ee villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble iyo barnaamijka xukuumadda.

Xukuumadda cusub ayaa haddii codka kalsoonida lasiiyo waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreyso fulinta qodabadii lagu heshiiyay ee doorashada, iyagoo heysta wax ka yar afar bil.