Muqdisho (SMN) – Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.

139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay

Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Golaha Shacabka iyo Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.