Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Bakool, taas oo geysatay khasaare kala duwan.

Duqeyntan ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday fariisin ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ma’madoow oo 40km u jira degmada Xudur.

Dowlada Federalka ayaa sheegtay in duqeyntan lagu diley saraakiil oo ka tirsanaa Al-Shabaab,hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka oo badanaa duqeymaha ka geysta dalka Soomaaliya.

Xudur ayaa waxaa saaran go’odoomin ay saareen dagaalyahanada Al-Shabaab, iyadoo cunto yari baahsan ay ka jirto degmooyinka hoos taga gobolka Bakool.