Muqdisho (Sh. M. Network)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kaas oo Gaarigiisa loogu xiray  sida la sheegay mid ka mid ah Darawalada Taksiilayaasha ka shaqeysa Air-Port ka  Muqdisho.

Mid ka mid ah Darawalada Taksileyda oo la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi uu ku Geeriyooday wadihii Gaariga oo uu magaciisu ku soo koobay Mahad, kaas oo uu tilmaamay in Miino loogu soo xiray Kursiga uu fadhiyay ee Gaarigiisa oo nuuciisu ahaa kaarib.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in muda ah Marxuumka ay isla shaqaynayeen, islamarkaana uu ku ogaa kaliya in uu ahaa Nin ka shaqeysta Kirada Taxi-ga.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Balse Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaaba kala duwan qeybo ka mid ah Muqdisho uga dhacay Weeraro Qaraxyo ah oo ay masuuliyaddoodu sheegteen Xarakada Al Shabaab.