Garbahaareey ( Sh.M.Network);-Xarakada Al Shabaab ayaa weerar  xalay ku qaaday deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.

Sida uu Idaacadda Shabelle uga warbixiyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay xalay soo weerareen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi Buusaar.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in 4 Dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab ay ka dileen dagaalamayaashaasi soo weeraray Buusaar isagoona aan carabaabin haddii uu jiro Khasaaro soo gaaray Ciidamada dowladda.

Sida uu qiray Guddoomiye ku xigeenka weerarka ayaa ahaa mid aad u xoogan islamarkaana uu xigaya dagaal fool ka fool ah.

Al Shabaab weli kama hadlin dagaalkaasi xalay ka dhacay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo iyo sheegashada Maamulka Gobolkaasi ee ku aadan in tiro  dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay dileen.

Si kastaba Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Saldhigyo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Gedo, weeraradaas oo  mararka qaar Khasaarooyin lixaad leh geysta.