War qoraal ah oo ka soo baxay taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu sheegay sheegay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo inuu lug lahaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax.

Qoraalkan oo ay Zakiyo soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku shaacisay in eedeysanaha oo baxsad ah xalay saq-dhexe ah lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Eedeysanaha la qabtay ayey magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan, kaas oo 24 sano jir ah, kuna dhashay magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib.” ayey tiri Zakiyo Xuseen Axmed.

Sidoo kale waxay sii raacisay “Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.”

Waa eedeysanihii 12-aad ee loo xiro dilkii iyo kufsigii loo geystay marxuumad Xamdi oo Jimcihii lagu dhaafay laga soo tuuray dabaq ku yaalla degmada Waabari ee G/Banaadir.