Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ku dagaalamay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo milatari ah oo ka tirsan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka iyo Ciidamo nabad sugid ah.

Waxaana la sheegay in Gaari Cabdi Bile ah laga qabsaday Ciidamada NISA, sidoo kalena uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Lama oga illaa iyo hadda waxa sababay dagaalkaasi, waxaana weli Rasaas teel teel ah ay ka socotaa Isgosyka Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

La so wixii soo kordha.