Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFSoo Barqanimadii maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadkan ayaa yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladdu ay isku dayeen in ay barakicin ka bilaabaan Xaafadda Haanta Dheer ee degmadaasi, taas oo keentya in ay isku dhacaan Ciidamo milateri ah oo daganaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaasi ku dhintay 1 Qof oo ka mid ahaa dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi, iyadoona in ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Deyniile oo ku aadan Iska hor imaadkaasi.

Balse xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Ma’ahan marki ugu horreysay oo ay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda ay ku dagalamaan gudaha Deyniile, waxaana la sheegay in la’isku hayo dhul dowladeed oo ku yaalla degmadaasi.