Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlagalka AMISOM lagula eegaty gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay deegaanka Hoosingow ee dhaca xuduud beenaadka, iyadoo lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidanka Kenya.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 7 askari oo ka tirsanaa melatariga Kenya ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa Dhoobleey iyo Hoosingow.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Al Shabaab askarta qaraxa lagu dilay waxaa kamid ahaa sarkaal ka tirsanaa milatariga Kenya, kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Holland.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo la eegta ciidamada Kenya e ka howl-gala gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.