Muqdisho (Sh. M. Network)-Dabley Hubeysan ayaa Xaafadda UNICEF ee degmada Waaberi ku dilay Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxo Bastoolado ku hubeysan ay geysteen falkaasi , kuwaas oo meesha wax ka dhaceen isaga baxsaday.

Saraakiil ka tirsan Laanta Dambi Baarista Soomaaliya ee CID ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ay baaritaan ku hayaan Meydka Askarigaas oo xaruntooda la geeyay, iyadoona ay tilmaameen in Askariga la dilay uu ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo Saraakiisha Nabad sugida ay ka soo saareen Dilka Askarigaasi, iyaadoo sidookale aanu jirin cid sheegatay Masuuliyadda dilkaas.

Balse Al Shabaab ayaa horay u sheegatay Masuuliyadda Dilal Magaalada Muqdisho loogu geystay Ciidamo ka tirsanaa kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.