Balad Xaawo (Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaalyahano ka tiran Xarakada Al Shabaab ay saakay weerar culus ku qaadeen Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxa uu ku bilaawday gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray saldhig ciidamada maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin Magaaladaasi Balad Xaawo.

Waxaana xigay dagaal foolka fool oo ay dhowr jiho uga soo qaadeen Al Shabaab ciidanka Jubbaland ee ku sugnaa saldhigaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay mudo saacado ah, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Inkastoo aan la ogeyn xadiga uu la’egyahay khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa waxaa u suura galay in ay la wareegaan guud ahaan gacan ku heynta Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Jubbaland ay u gurteen dhanka Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinac kale ciidamada dowladda Kenya ayaa madaafiic ku garaacay Magaalada Balad Xaawo, kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen Magaaladaasi.

Waxaana madaafiicdaasi ku dhintay 1 qof, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeyney da’ah oo ka mid ah dad deegaanka.

Majito weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi oo ay Al Shabaab kula wareegeen Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.