Maanta oo Khamiis ah 6 bisha August waxaa Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey shirka wada-tashida beesha Mudulood, kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah.

Shirka oo qaatay muddo afar cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Duubabka Dhaqanka, Culimaa’udiin, Siyaasiyiin, Haween iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa goob-joog ahaa shirka Madaxweynayaashi hore ee dalka Mudane Cali Mahdi Maxamed, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxameed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa  Muqdisho Cumar Filish, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia.

Intii uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu horreyso xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.

Halkan hoose ka akhriso: